Talooyin muhiim ah oo ku socda Dowladda Federaalka oo ku aadan wadahadalada ay kula jirto maamulka Soomaaliland.

0

Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo talooyin muhiim ah oo aan u jeedinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xariira wadahadalada ay kula jirto maamulka Soomaaliland, halkaasi oo dhowaan la filayo in ay ka bilaabmaan wadahadaladii u dhaxeeyey labada dhinac. Waa Dowladda Federalka iyo maamulka Soomaaliland ee ay dhistay Jabhadii SNM ee ay Itoobiya ku dumisay dowladdeenii xoogga badneyde.

Talooyinkani, Ayaa noqon doona kuwa muhiim ah oo aan isleeyahay waxa ay waxa ka tari doonaan xoojinta midnimada iyo wadajirka dalka oo runtii wax kasta ka muhiimsan. Waxa ay sidoo kale talooyinkaasi noqon doonaan kuwa wax ka tara wadahadalada socda ee looga golleeyahay in xal siyaasadeed looga gaaro wax-tabashada ay muujinayaan taageerayaasha Maamulka Soomaaliland oo u badan halka reer.

Walaalayaal, Waxaa dhawaan la filayaa in ay dib u bilowdaan wadahadaladii u dhaxeeyey Dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaliland ee ka arimiya gobollo ku yaallo dhanka Waqooyi ee dalkeenna. Wadahadaladani, Ayaa waxa ay labada dhinac ka leeyihiin ujeedooyin kala duwan. Tusaale ahaan, Dowladda Federaalka oo kale, Waxa ay wadahadaladu ka leedahay in ay ku qanciso siyaasiyiinta horboodda Maamulkaasi in ay ka tanaasulaan aragtidooda gaaban ee ku aadan gooni-isutaaggi ay kal hore ku dhawaaqeen.

Waxa ay sidoo kale Dowladdu doonaysaa in ay wadahadalada ku xaliso dhibaatooyinka ay ka cabanaayaan dadka reer Waqooyiga oo had iyo jeer ku dooda in ay cadaaladdarro badani ka dhacday Dalkan, gaar ahaan marka ay timaaddo qeybsiga awoodaha iyo dhaqaalaha dalka, Iyagoona farta ku goda in dadka reer Koonfureedku oo ay inta badani qaataan xilalka ugu muhiimsan ee dalka. Taasi oo runtii ah dood macquul, Ismarkaana u baahan in xal loo helo.

Dowladda, Ayaa sidoo kale doonaysa in ay ku qanciso taageerayaasha maamulka Soomaaliland in ay ku soo biiraan nidaamka Federaaliga ah ee ka jira dalka, Islamarkaana ay qaataan qeybtooda, haddii ay noqon lahayd aqalka odoyaasha (aqalka sare), Aqalka wakiiilada (baarlamaanka) iyo haddii ay noqon lahayd golaha wasiirada, si markaasi meesha looga saaro kala qoqobnaanta maamuleed ee ka jirta dalka oo runtii ceeb badan u soo jeedday Umadda Soomaalida.

Dhanka kale, Maamulka Soomaaliland Iyaa Isagana wadahadalada ka leh ujeeddo ka fog tan Dowladda Federaalka oo ay xubno ka yihiin dad ka soo jeeda deegaanada uu ka taliyo Maamulkaasi, Kuwaasi oo aaminsan in midnimada iyo wadajirka Wadanka uu yahay shay muqadas ah (lamataabtaan) halka waxa jira oo dhibaato ahna loo maro wadahadal dhab ah, si meesha looga saaro cadaaladarada iyo dulmiga ay tirsanayaan walaalaha reer Waqooyiga ah.

Maamulka, Ayaa wadahadalada u isticmaalayo wadiiqo uu ku gaaro hadafkiisa guracan, Isagoo iskudayaayo in uu khiyaameeyo Dowladda Federaalka iyo waliba dalalka kale ee jecel midnimada iyo wadajirka Soomaalida. Tusaale ahaan, waxa ay doonayaan {waa sida ay ila tahaye} in ay isticmaalaan farsamooyinkii horay loogu soo isticmaalay dalal horay loo kala gooyey sida Sudan oo kale. Taasi oo ay isu kaashadeen dalal ay hormuud u ahaayeen kuwo reer Galbeed ah iskastoo ay ku jireen kuwa carabna.

Farsamadan ayaa oroneysa: Gal marka hore wadahadallo aad og tahay inaysan guuleyan doonin. Ka dibna, dalbo dhinac kale oo wax dhexdhexaadiya. Ka dibna, ha la gaaro heshiis ay ku jirto afti laga qaado dadka ku nool deegaanada uu ka taliyo Maamulkaasi. Ka dibna, hala fuliyo wax alaale iyo wixii ka soo baxa aftidaasi khiyaameysan. Farsamadan ayaa ah runtii mid khatar badan oo u baahan in laga digtoonaado, Waana sababtaasi sababta aan qormadan u qoray. Waxaa wehliya intii aannu soo sheegnay in Itoobiya ay ku lamaanan tahay Mamulka, Maadaama ay dhibeyso midnimada iyo wadajirka Soomaalida.

Si kastooy noqotaba, Waxa la filayaa in wadahadaladu sii socdaan ilaa laga gaaro xal waara ama lagu kala tago, Maxaa yeelay Dowladda Federaalka oo kale marna ma dooneyso in ay ka tanaasusho midnimada iyo wadajirka dalka, Maadaama uu qodobkaas yahay qodob muqadas ah oo aan marna gorgortan laga geli Karin, Halka ciddii gashaana ay galayso danbi weyn oo magaciisa la yiraahdo khiyaamo qaran.

Qodobkani (midnimada) ayaa runtii ah mid xasaasi oo meel sare kaga yaallo qof kasta oo Soomaali ah marka laga reebo shaqsiyaad tiro yar oo ay Itoobiya soo barbaarisay. Walaalayaal, midnimada iyo wadajirka Wadankeennu waa mid muqadas oo aan marna gorgortan laga geli Karin. Ciddii gashaanna waxa ay wajihi doontaa danbi weyn oo aan marna looga hari doonin. Waan ku celinayaa mar kale, Midnimada iyo wadajirka Wadanku waa muqadas lamataabtaan ah.

Aduunyadu ma’ahan maanta kaliya, Ee waxaa imaan doonto maalin qof kasta oo Soomaali ah lagula xisaabtami doonno wixii uu sameeyey haddii uu xumaa iyo haddii uu wanaagsanaaba. Ogaadase in la dhisi doono maxkamad qaadda danbiyadii ka dhacay Wadankan. Sidaa daraadeed waxaana kula talin lahaa dadka Soomalida ah, gaar ahaan nimankan siyaasiyiinta in ay faraha kala baxaan shirqooladan ay ku howlan yihiin ee loogu adeegayo danaha dalalka Itoobiya iyo Kenya. Fadlan isxisaabiya inta aan la idin xisaabinin.

Tan kale, Waxaan kaloo kula talin lahaa shaqsiyaadka Soomaalida ee doonayo in ay xilal qaran ka qabtaan Wadankan, in ay marka hore soo bartaan taariikhda, dhaqanka iyo waliba sooyaalka Umadda Soomaalida. Waxaan sidoo kale u soo jeedin lahaaa shaqsiyaadkaasi in ay darsaan waxa ay Soomaalidu u taqaanno muqadasaadkeeda sida diinteeda, dhaqankeeda, luuqaddeeda iyo waliba midnimadeeda dhuleed iyo middeeda dadeed. ka dibna ay shaqsiyaadkaasi ixtiraam iyo qadarin u muujiyaan qodobadasi aan soo sheegnay.

Sidee xil qaran u qaban kartaa Adigoonba aqoonin taariikhda, dhaqanka iyo waliba muqadasaadka Umadda Soomaalida ? Sideese xil laguugu aamini karaa haddii aadanba garaneynin yaa Soomaali cadow u ah yaase saaxiib u ah ? Yaa cawin jiray waligeed, Yaase lugoyn jiray ? Yaa shan u qeybiyey ?

Yaa hadda qeybinaayo ? Yaa ka hiiliyey dagaalkii 77, Maxaase loo galay dagaalkaasi ? Yaa gumeysta la dagaalami jiray wadaad mise cilmaani ? Muxuu u ahaa Siyad Maxamed Cabdille Xasan ? Muxuuse ahaas Sh. Xasan Barsame ? Fadlan aqriyaa taariikhda Soomalida si aad wax badan u ogaataan.

Gabagabadii iyo gunaanudkii, Waxan Dowladda federaalka u soo jeedinyaa talooyin dhowr ah oo ku aaddan wadahadalada lagula jiro maamulka Soomaaliland ee ay soo dhistay Jabhadii SNM ee ay Itoobiya u soo hubaysay sidii ay ugu burburin lahayd Dowladdeenni xoogga badneyd. Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socdo oo aan rajaynayo in ay qaadan doonto si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

1-In wadahadalada la hakiyo, Islamarkaanna loo daayo dowladda imaan doonto after Ogoost 2016.

2-In aan marna la ogolaanin dhexdhexaadin shisheeye, si looga gaashaanto wixii Sudan ku dhacay oo kale.

3-In la diiddo afti-khiyaamo oo laga qaado dadka ku nool deegaanada uu ka taliyo maamulkaasi.

4-In la taageero maamulada Khaatumo iyo kan Awdal si ay ula wareegaan deegaanada laga taageersan yahay.

5-In dadka reer Waqooyiga loo qoondeeyo haaf ka mid ah xilalka sarsare ee Dowladda Federaalka.

5- In xal kasta oo mustaqbalka la gaari doonno uu noqdo mid ay u dhan yihiin dadka reer Waqooyiga ah oo ay ku jiraan maamulada Soomaaliland, Khaatumo, Awdal iyo waliba midka ay soo waddo beesha Warsangeli ee qiimaha badan.

W/Q: Maxamed Ibrahim (RAGOW)
Ragow1960@hotmail.com