113 Shaqaale ka shaqeynayay Isbitaalka DEVA oo Dowladda ka codsaday in ay shaqo u abuurto

0

Kadib markii Dowladda Soomaaliya ay shaqada ka joojisay Hay’adda Nile Academy ee dalka Turkiga ayaa waxaa soo baxay tabasho ka dhalatay go’aanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay shaqada kaga joojiyeen Hay’addaasi.

Go’aankaas waxaa uu saameeyay Shaqaalihii hay’adda Nile Academy ee Turkiga u dhashay kuwaas oo Todobo Maalmood kaga baxay dalka Soomaaliya,waxaa kale oo uu saameyn taban ku yeeshay Dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeynayay Hay’addaasi,kwuaas oo shaqadoodii ku waayay.

113 Qof oo ka howlgalayay Isbitaalka DEVA ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay hadda yihiin shaqo la’aan,waxaana ay ka cabanayaan go’aanka Golaha Wasiirrada ay Hay’addaasi shaqada kaga joojiyeen taas oo maamuleysay Isbitaalka DEVA.

Shaqaalahan Soomaaliuda ah ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya in ay u sameyso shaqo abuur maaddaama ay iyada ka joojisay Shaqada Hay’addii ay u shaqeynayeen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/Ramaxaan Max’ed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in Hay’adda shaqada laga joojiyay aysan sameyn ku yeelan doonin dadka Soomaaliyeed,waxaana uu ku daray in ay diyaariyeen maamulkii beddelilahaa.