Aftida Britain oo saamaysay dhaqaalaha adduunka

0

Codkii Britain ay u qaaday in ay isaga baxdo Midawga Yurub ayaa sare u qaaday halista haysata dhaqaalaha caalamka, madaxda dhaqaalaha ayaa sidaas ka sheegay shirka G20 ee Shiinaha ka socda.

Natiijadii ka soo baxday aftidii bishii hore ayaa “sare u qaaday hubaal la’aanta” dhaqaalaha caalamka, waxaa sidaa sheegay dalalka ugu dhaqaalaha wayn adduunka.

“waxay sheegeen in ay rajaynayaa in ay arkaan mustaqbalka UK oo xiriir dhaw la leh Midawga Yurub.

Wasiirka maaliyadda ee Britain Philip Hammond ayaa sheegay in mawduucaasi uu keenay “heshiis wayn” intii uu socday kulankaas labada maalmood socda.

Laakiin wuxuu saxafiyiinta u sheegay “ in xaqiiqadu tahay in hubaanti la’aantu ay sii socon doonto inta laga soo gabogabaynayo wadahadalada ay la leeyihiin Midawga Yurub”.

Kulanka magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha kaddib dalalka ku midaysan G20 waxay sheegeen in si fiican loo hanaaniyay in durba lala qabatimo saamaynta dhaqaale iyo mida maaliyadeed ee ka dhalan karta kabixitaanka Britain ee Midawga Yurub.