Al-Shabaab iyo Dowladda oo ku dagaalamay Shabeelaha Hoose

0

Dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegano iyo sidoo kale degmooyinka ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaal ayaa la sheegaya in uu ahaa mid xoogan oo geystay khasaaro kala duwan sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dad goobjoogaal ah .

Dagaal ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Wareegow iyo sidoo kale degmada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay soo qaadeen weerarka khasaaraha geystay ,laakiin ciidanka dowladda Soomaaliya ay iska caabiyeen.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay dagaalka ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.