Al Shabaab oo weeraray Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin duleedka Degmada Mahadaay

0

Xarakada Al Shabaab ayaa weerar culus waxa ay ku qaaday Saldhig Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada dowladda Sooamaliyana waxa ay xabsiga u taxaabeen tiro Odayaal ah oo looga shakiyay in ay la shaqeynayeen Xarakada Al Shabaab.

Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Maquudha ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa weerar ku qaaday Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Lama oga illaa iyo iminka Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi .

Waxaana Ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Mahadaay ay Xabsiga u taxaabeen 4 Oday oo ay sheegeen in ay la shaqeynayeen Xarakada Al Shabaab.

Odayaasha ayaa laga qabtay nawaaxiga Saldhiga ay Al Shabaab weerarka ka geysteen.