Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin ka hadlay Musharaxnimada Madaxweyne Xasan

0

Iyadoo dhawaan kulamo iska horjeedo oo Midna lagu taageerayay Mushararxnimada Madaxweynaha hadda Talada Haya Xasan Sheekh Maxamuud , mid kalana looga soo horjeedo ay ka kala dhaceen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa siyabo kala duwan uga hadlay Aoonyahanno iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Aqoonyahan Saleebaan Cabdi Bedel ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka tayo fiicnaayeen  Dowladihii KMG  kuwaas oo sida uu sheegay iyagoo lagu soo dhisay dalka dibaddiisa gaarsiiyay in waddanka gudihiisa wax lagu doorto.

Waxaana uu tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh xittaa uu caqabd ku ahaa dhismaha Maamul Goboleedyada sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Axmed Caraaye oo isna ka mid ah aqoonyahanadda Soomaaliyeed ayaa qaba in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay waxbadan ka qabatay dalka isagoo Tusaale u soo qaatay in  guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu Madaxweynuhu u igmada Xilkaas uu bur burkii kadib yahay kii ugu horeeyay ee soo bandhiga Dhaqaalo Canshuur looga aruuriyay shacabka ee keydka u gashay.

Hase ahaatee waxaa taasi Gaashaanka u daruuray Enjineer Axmed Salaad Aw Aadan Guddoomiyaha Xisbiga Sahan Qaran oo sheegay in Muqdisho Canshuurtii laga aruuriyay ay dhantahay 5 Million oo Dollar laakiin la soo bandhigay 400,000  dollar ( Afra Boqol oo Kun dollar).

Si kastaba waxaa la gaaray xilligii arrimaha Doorashooyinka islamarka uu waqtigooda ku ekaa dowladda hadda iyadoona aanu muuqan ololo la xiriira Doorashooyinka marka laga reebo Munaasabad dhawaan ay soo qaban qaabiyeen Taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dhacday mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho.