AU-da oo ballan qaaday Taageero Dhaqaale oo lagu socodsiinayo Hawlgalka AMISOM

0

Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika ayaa ansixiyey lacag dhan 325 million oo Dollar, taasi oo la rajeynayo in lagu xaqiijiyo Hawlaha Ciiddanka Nabad Ilaalinta AMISOM ka wadaan dalka Somalia.

Kharaj Sannadeedkaasi ayaa loogu talagalay in lagu buuxiyo Qorshaha Lacagaha ee ay Midowga Afrika, oo 25% lagu taageerayo Hawlgalladda Nabadda ee guud ahaan Qaaradda Afrika.

Tallaaadani ayaa timid, kadib, markii ay Ururka Midowqa Europe ku dhawaaqeen bishii May inay 20% jareen Taageeradda Dhaqaalaha ee ay siin jireen Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Miisaaniyadda cusub ee loo qoondeeyey Maalgashiga Hawlaha Nabadda ee Midowga Afrika waxaa lagu ansixiyey Shirweynihii 27-aad ee ay  Hoggaamiyayaasha Dowlada Afrika ee maalintii Isniintii ee la soo dhaafay  ku yeesheen Caasimadda dalka Rwanda ee Kigali.

Hawlgalka AMISOM waxa saamayn ku yeeeshay go’aanka ay Midowga Europe ku jareen Taageeradda ay sannadkiiba siiyaan Hawlgalka AMISOM, waxaamala sheegay in Hawlgalka AMISOM sannadkiiba lagu kharaj gareeyo Miisaaniyad dhan 900 million oo Dollar