Boolis iyo Saraakiil Cadaan ah oo soo gaaray Muqdisho

0

Saraakiil ka socotay Boliska dalka Mareykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana ay kulan la qaateen madaxweynaha iyo sidoo kale ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali.

Ujeeda ay u soo gaareen Muqdisho  saraakiisha ka tirsan booliska dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay tahay  xoojinta iyo wadashaqeynta ka dhexeysa booliska labada dal.

Saraakiisha ka socotey Mareykanka oo kala ah Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in dowladda Mareykanka oo horeyba dhinaca tababarada ka caawineysey Soomaaliya, ay haatan diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada dal isku weydaarsanayaan khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha taageera dowladda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ay dowladda Mareykanku ay sheegtay in ay ka qeyb qaadanayso dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.