Booliska Kenya oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Weerarkii Al-Shabaab

0

Booliska Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in uu khasaaro ka dhashay Weerar qorsheysnaa oo Xarakada Al Shabaab ay Shalay ku qaadeen Shirkad Isgaarsiineed oo ku taalla Magaalada Mandeera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Magaalada Mandeera, Eric Oronyi ayaa xaqiijiyay in Weerkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 4 Ruux oo Shacab ah, isagoona intaasi ku daray in Ciidamada Booliska ay Dagaal la galeen Xoogaga Al Shabaab.

Mr. Eric Oronyi ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Xoogaga Al Shabaab ay qarxiyeen Ateenada Shirkadaasi Isgaarsiineed, waxuuna tilmaamay in ay baxsadeen kadib markii ay fuliyeen Weerarkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in ay socdaan howlgallo baaritaano ah oo lagu soo qabanayo sida uu hadalka u dhigay Dagaal yahanada Al Shabaab ee Weerarkaasi fuliyay.

Guddoomiye Oronyi ayaa waxuu xusay in xiisad ay weli ka taagan tahay Degmada Fino oo uu weerarkaasi ka dhacay, waxuuna sidoo kale carabka ku dhuftay in baqdin ay soo food saartay Shacabka ku dhaqan halkaasi.

Inkastoo, boqolaal ka mid ah Xoogaga ammaanka, Booliska iyo kuwa Militariga Dalkaasi la soo dhoobay Degaano ku dhow Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, hadana waxaa weli qeybo ka mid ah Dalka Kenya ka dhacaya Weeraro qorsheysan oo ay fulinyaan Al Shabaab.

Bishii June ayey aheyd markii Weerar kan la mid ah ay Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ku qaadeen Xarun kale oo Shirkadan ay ku leedahay Degaanka Dhamase oo ku dhow Magaalada Ceelwaaq ee Dalka Kenya.