Boqolaal ka mid ah saraakiisha dalka Kenya oo shaqada ka tagay

0

Boqolaal ka mid ah saraakisha ammaanka ee dalka Kenya ayaa bilaabay 5 sano ee la soo dhaafay in ay shaqada iska tagaan sababo la xariira dhibaatooyin ay kala kulmaan taliyeyaashooda.

Saraakiisha shaqada ka tagtay shantii sano ee la soo dhaafay, waxaa la sheegaya in badankooda ay yihiin muslimiin, waxaana sabab u noqotay in ay shaqada ka tagaan eedeeymo aan sal la aheyn oo ah in qaarkood lagu eedeeyo in ay xiriir kala dhaxeeyo , Argagixisada iyo in tacadiyo gaar ah loo geysto dadka muslimiinta ee kunool dalka Kenya.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameynayso dhibaatooyinka keenay in saraakiisha muslimiinta ah ay shaqada ka tagaan.

” Waad ogtahay saaxiib anaga waxaan u adeeganaa dalkaan , waxaan diyaar u nahay inaan difaacno dalka , laakiin waxaa iska jirta niyad xumo iyo sidoo kale tixgalin la’aan , markaste anaga waxaan dhibaatooyin kala kulmaynaa codowga dalkeena” sidaas waxaa yiri sarkaal shaqada ka tagay.

Saraakiisha muslimiinta ah ee shaqada ka tagay ayaa sidoo kale sheegay in iyaga la geeyo goobaha dagaalada iyo sidoo kale howlgalada culus ka dibna taliyeyaashooda aysan uga mahadcelin howlaha ay qabtaan.

Saraakiisha badankood ayaa la sheegay in ay warqadooda ay shaqada uga tagayaan ay soo gudbiyeen , markii Al-Shabaab ku dhawaad 200 oo askari ay ku dileen deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo.

Wargeyska The Star oo la xiriiray Afhayeen u hadlay Wasiirka Arimaha gudaha dalka Kenya ayaa Jawaabtaan bixiyay.

“Arrintan waxaa ay u baahan tahay waqti dheer iyo xog intan ka faah-faahsan ka horna kama jawaabi karo Wasiirka”. Ayuu yiri Afhayeenkaasi.

Tani ayaa muujinaysa in ciidamada Kenya kuwa Muslimiinta ah aysan sii wadi karin shaqooyinka ay ka hayaan gudaha Kenya ee la dagaalanka Shabaab, kol hadii iyaga looga shakinaayo inay Shabaab la shaqeeyaan.