Carabta oo Taageero Militari u sameyneysa Soomaaliya

0

Maanta oo isniin ah magaalada Nawaakshudh ee dalka Mauritania waxaa ka furmaya shirka ururka Jaamacada Carabta oo madaxda carabta ay tagi doonan.

Waa shirkii 27-aad ee madaxda Jaamacada Carabta ay iskugu yimaadaan,midkaan waxaa loogu magac daray himilada wadamada Carabta.

Wareegtada shirka waxaa maanta wareejin doonta dowladda Masar waxaana qabanaysa Dowladda Mauritania.
Hogaamiyaasha Carabta ayaa ka doodi doona 16-agande,oo ay ugu horeeyso arinta Falastiin oo ay soo hoos galayaan,wada hadalada nabada,Qudus iyo degaamenta ay wado Israel.

Madaxweynaha Soomaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb galaya waxana madaxda Carabta la filaya inay shirka ka balan qaadi doonan taagero militarily oo la siiyo dowladda Federaalka Somalia.

Shirka ayaa ugu dambeen waxaa lagu xadidi doona goobta lagu qaban doono shirkaan midka xiga.