Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo baxay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxeen Fariisimo ay ku la haayeen Degaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Xoogaga Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa faarujiyay Xarumihii ay kaga sugnaayeen Degaanda Rabdhuure iyo Buurdhuxule oo hoostaga Gobolka Bakool, sida Dadka Degaanka ay u sheegeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Weli lama shaacin sababta ka dambeysa in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay isaga hulaalaan Degaanadaasi.

Ciidamadan ayaa u soo ruqaansaday Degaano kale oo ku yaala Gobolka Bakool, halkaasi oo Xarumo cusub ay ka sameysteen.

Wararka ayaa sheegaya in baqdin ay muujinayaan Dadka Degaanka maadaama laga cabsi qabo in halkaasi ay markale dib ula wareegaan Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Degaanadan ayaa hadii ay Al Shabaab qabsadaan waxaa suuri gal ah in halkaasi ay kula Dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwooda Itoobiya.

Inta badan Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada fariisimo Xoogaga Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degaano iyo Degmooyin dhaca Gobolka Bakool ee Dalka Soomaaliya.