Ciidamada Dowladda oo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka wada gobolka Sh/Dhexe

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaqyo ka wada Qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe  gaar ahaan Degaano hoostaga Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa lagu Arkayaa iyagoo halkaa ka wada Dhaqdhaqaayo ku aadan sidii Shabaab ay uga saarilahaayeen Degaanada qaar ee Gobolka kaasi.

Saraakiisha Ciidmada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada uu dhaqdhaqaaqooda la xariiro sidii Shabaab looga saari lahaa Degaanada Hoostaga Degmada Mahaddaay.

Al-shabaab ayaa dhankooda ka wada dhaqdhaqaayo Degaanadaasi Ciidamada Xoogga Dalka ay ku wajahan yihiin si ay iskaga difaacaan Duulaanka Ciidamada Milatariga Soomaaliya.