Ciidamada Kumaandooska oo ka fuliyay howlgal gobolka Jubbada Hoose

0

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramaya in ay howlgal qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanka Cabdi-Dhoore oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Cabdi-Dhoore ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose u jira qiyaas dhan 40 km dhanka Galbeed.

Deegaanka Cabdi-Dhoore ayaa waxaa ku sugnaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab , waxaana la sheegaya in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ay ka fuliyeen deegaankaasi howlgal qorshaysan  ayna ku bur buriyeen Bar fariisin ah oo ay Al-Shabaab canshuur ku qaadi jireen sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkaasi ay kusoo qabteen hub iyo agab kale oo ciidan waxayna intaas ku dareen in aysan la kulmin wax iska caabin ah intii uu hawlgalka socday.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay howlgalkaasi ,mana jirto war ka soo baxay Shabaab oo looga hadlay sheegashada dowladda ee ah in ay bur buriyeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab .