DAAWO:- Dhibabka safaarad la’aanta Somalia

0

Dawlada Somalia safaarado kuma laha badanaa waddamada muhiimka ah, taasina waxaa ka faa’iidaystay cadawga dalka, waxaana lasoo bandhigay arimo bulshada ka qarsoonaan.

Wariye Jamaal Cismaan ayaa wuxuu booqday Safaarada Itoobiya ee London, isgoona kasoo duubay muuqaal, wuxuuna sheegay inay tahay goob Qaranimada Somalia dhaawac wayn loogu gaystay, lagana fuliyo howlo ay ka mid yihiin sidii dalka Somalia oo midaysan aanu weligii u dhalan lahayn.