DAAWO:- Maxaa u qabsoomay Dowlada Federaalka Soomaaliya Isbuucii la soo dhaafay?..

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Seddex Argagaxiso oo lagu dilay Buur-Kooy, Gobolka J/Hoose, Wasaarada Warfaafinta oo xoojineysa xirfada weriyeyaasha Dowladda, Dowladda oo dhagax-dhigtay Dugsiga Xabsiga Dhexe, Dowladda Masar oo Gaadiid guddoonsiisey Soomaaliya, Dowladda Federaalka oo Deeq Raashin ah ku wareejisey Dowlad Goboleedka Koorfur Galbeed iyo Gobolka Banadir, Dowladda Federaalka oo bilowday buufinta kaneecada, Dowladda Federaalka oo dar-dargelineysa Mideynta Canshuuraha dalka, Saraakiil cusub ee Booliiska oo xilalkooda loo dhaariyey, Tababar loo soo xiray ciidanka DANAB, Hay’adaha Amniga oo qabtay rag falal burcad sameynayey, Ciidanka Dowladda oo Howlgal Amni ka sameeyey Baladul Amiin, Dowladda oo sameysaneysa Maraakiib Ilaalisa Xeebaha Dalka iyo SONNA oo xafiis cusub ka furatay Baydhabo.

Seddex Argagaxiso oo lagu dilay Buur-Kooy, Gobolka J/Hoose

Howlgal ay si wadajir ah isaga kaashadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ka dhacay habeenkii 20ka July 2016 deegaan lagu magacaabo Buur-Kooy oo ka tirsan gobolka J/hoose. Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet ayaa sheegay in ay howlgalkaasi qasaare ballaaran ugu gaysteen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana ay ka dileen saddax argagixiso oo ka tirsan kooxdaasi. Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ Ciidamadeenna oo ay isgarabsanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa si xeeladaysan u Qorsheeyay Fulinta iyo ku guulaysiga howlgalkaasi, waxaanan sii wadi doonaa in aan ka ugaarsanno goob kasta oo ay ku sugan yihiin nabad diidka hor taagan Mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed”

Wasaarada Warfaafinta oo xoojineysa xirfada weriyeyaasha Dowladda

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa 20kii July 2016 xarunta wasaaradda ka furay tababar seddex cisho ah oo ku saabsan Qaabka Wariyuhu isaga difaaco qataraha Xilliyada colaadaha. Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Shaqaalaha iyo tababarrada ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa bixinaya Hayadaha Caalamiga ee taageera Suxufiyiinta ee I.M.S &FOJO, waxaana ka qeybgalayaashu ku baran doonaan xirfadaha ay kaga gaashaaman lahaayeen haddii ay soo wajahdo Qatar dhanka ammaankooda la xiriirta. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Max’ed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa si rasmi ah u furay Tababarkan wuxuuna ka hadlay muhiimadda aqoonkororsigaan u leeyahay Suxufiyiinta marxaladda maanta dalku marayo.

Dowladda oo dhagax-dhigtay Dugsiga Xabsiga Dhexe

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac (Ilka jiir) ayaa 20kii July 2016 dhagax-dhigay Dugisga Xabsiga dhexe ee Muqdisho, kaasoo loogu tala galay inay wax ku bartaan maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in dugsigan uu noqon doono mid wax lagu baro maxaabiista laguna dhaqan celiyo, wuxuuna sidoo kale ku micneeyay tallaabadan mid kaalin ka qaadaneysa toosinta iyo waxbarida maxaabiista. Suldaan Maxamed Siciid oo ah ganacsadaha Soomaaliyeed ee maalgalinaya dhismaha dugisga xabsiga dhexe ee Xamar, ayaa Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen mid wax badan kusoo kordhiyey Maxaabiista dalka. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in halkii la ciqaabi lahaa oo kaliya wax la baro maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe. Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) ayaa ganacsatada kale ku boorriyey in ay muujiyaan doorkooda isagoo u mahad celiyey ganacsadaha maal galinaya howshan iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Dowladda Masar oo Gaadiid guddoonsiisey Soomaaliya

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Jeneral C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo uu wahliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa 19kii July 2016 Safiirka Dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya kala wareegay deeq isku jirta gaadiid nooca dagaalka iyo saanad kale oo ciidan oo loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta kamaandooska ee Danab, si ay u xoojiyaan howlagalada dalka looga sifeynayo haraadiga maleeshiyaadka argaxisida Al-Shabaab. Danjiraha Dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya Mowliid Ismaaciil ayaa sheegay in dowlada Masar ay garab taagan tahay Soomaaliya isla markaana ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliya. Wasiirka Difaaca Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo kala wareegay saanada ciidan safiirka Masar ayaa sheegay in dhankiisa mahad naq balaaran u jeedin doono, isagoo sheegay in qalabkan lagu wareejin doona ciidanka xooga dalka gaar ahaan Danab.

Dowladda Federaalka oo Deeq Raashin ah ku wareejisey Dowlad Goboleedka Koorfur Galbeed iyo Gobolka Banadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa 19kii July 2016 deeq raashiin ah ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir, dowladda goboleedka Koofur galbeed iyo ehelada dhibbanayaasha saxaafadda Soomaaliyeed. Deeqdan oo isugu jirta Bur iyo Sokor ayay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu tala gashay in lagu caawiyo dadka tabaalaysan oo ay ku jiraan ehelada wariyeyaashii ay dileen Al-Shabaab iyo kuwii ay dhaawaceen. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa ugu horrayn kaga mahad celiyay dowladda Turkiga oo ay deeqdani ka timid, isagoo ballan qaaday inay si hufan u gaari doonto cid walba oo wax ku leh raashinkan una marsiin doonaan gacmo aamin ah.

Dowladda Federaalka oo bilowday buufinta kaneecada

Madaxa ka hortagga cudurada ay faafiyaan cayayaanka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah Jeylaani Busuri Mayow ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaabeen 18kii July 2016 buufinta cayaanka ay ugu horeysa kaneecada ee ka dhalata cudurka Malaria, si looga hortago qataraha ka dhalan karta halista cudurkaasi. Jeylaani Busuri Mayow ayaa sheegay in xeryaha dadka barakacaasha ee degmooyinka Hodan, Shangaani iyo Boondheere ay ka bilaabeen howlaha buufinta, si looga hortago halista ka dhalan karta cayayaanka cudurka Malariyada dhalisa, isagoo sharxay dhibaatada ka imaan karta haddaan la buufin..

Dowladda Federaalka oo dar-dargelineysa Mideynta Canshuuraha dalka

Wasaarada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 18kii July 2016 magaalada Nairobi isugu keentay khubaro ka socota maamul goboleedyada dalka iyadoo ujeedka kulanku uu yahay in laysla meel dhigo sidii Dowladda Federaalka iyo maamulada goboladu uga wada shaqayn lahaayeen midaynta canshuuraha iyo kor u qaadida dakhliga ka soo xarooda furdooyinka iyo canshuuraha bariga. Shirkan oo muddo toddobaad ah soconaya ayaa lagu rajo weyn yahay inuu ka soo baxo Guddi Qaran oo arimahaas sii wado, waxaana la isla qaadanayaa waajibaadka shaqo ee gudigaan waxaana loo samaynayaa qorsha howleed waqtiyeeysan, iyadoo laysla fahmayo waxa fedaraalku yahay iyo waafajinta qaybta kaga aadan dhanka maaliyadda.

Saraakiil cusub ee Booliiska oo xilalkooda loo dhaariyey

17kii July ayaa munasabad lagu dhaarinayey Saraakiil cusub oo ka tisan ciidanka booliska Soomaaliyeed, lagu qabtay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho. Saraakiishan ayaa ahaa dhallinyaro Jaamacadaha kaga soo biiray sanadkaan Booliska. Munasabadan ayaa waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro, Taliyaha Ciidanka booliska, Taliyaha Asluubta, Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga, Ururka Haweenka Qaranka iyo Sarakiil kale. Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xamud ayaa sheegay inay sharaf wayn u tahay ciidanka booliska Soomaaliyeed in ay ku soo biraan dhallinyaro Jaamiciyiin ah.

Tababar loo soo xiray ciidanka DANAB

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tababar 17kii July 2016 u soo xiray cutubyo ka-mid ah Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed, gaar ahaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta gacan ka geysatay tababarkooda. Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhamaan Taliyayaasha ciidanka qalabka sida iyo xubno kamid ah golaha Wasiirada. Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahadceliyay dowlada Imaaraadka Carabta sida ay uga go’antahay dhisida ciidanka xooga dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray munaasabada ayaa u hambalyeeyay ciidanka tababarka u xirmay isagoona kula dardaarmay iney dalkooda u shaqeeyaan.

Hay’adaha Amniga oo qabtay rag falal burcad sameynayey

Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa 17kii July 2016 soo bandhigay rag lagu soo qabtay fal burcad nimo ah oo ay ka wadeen xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshid iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir. Raggan oo ay tiradoodu ahayd Saddex ayaa la sheegay inuu mid ka mid ihi baxsaday xilligii uu hawl-galkan fulinayeen Ciidanku, halka Labada kalena loo taxaabay xabsiga si looga sameeyo baaritaanno ku aaddan falka dhaca ah ee ay halkaasi ka wadeen, loona waafajiyo sharciga. Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka gobolka Banaadir G/sare Maxamed Xasan Faarax (Faran far) ayaa sheegay inay raggani ku qaraaban jireen magaca hay’adda Nabad Sugidda isla markaana dadka ka qaata wixii ay haystaan.

Ciidanka Dowladda oo Howlgal Amni ka sameeyey Baladul Amiin

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa 17kii July 2016 howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo xarun u aheyd Al-Shabaab. Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalkooda si gaar ah uga fuliyey ilaa iyo afar xarun oo Al-Shabaab rug u aheyd, kuwaas oo ay kamid ahaayeen xarun ay ku sheegeen saldhig boolis oo ay dadka lacago sharci darro ah uga qaadi jireen iyo sidoo kale xarunta maamulka u aheyd Al-Shabaab ee deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Sh/Hoose. AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ayaa howlgalkaasi ku qab qabtay ilaa iyo toban ruux oo looga shakiyey in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, waxaana howlgalkaasi uu qabsoomay iyadoo aaney jirin wax iska hor imaad ah oo Al-shabaab ay la galeen ciidamada iskaashanayey.

Dowladda oo sameysaneysa Maraakiib Ilaalisa Xeebaha Dalka

Dowaladda Soomaaliya ayaa samaysanaysa Maraakiib ilaalisa Xeebaha Dalka iyada oo hada ay socoto samaynta tiradii ugu horaysay oo gaaraysa ilaa lix markab oo ah kuwa loogu tala galay ilaalada Xeebaha. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr Ali Said Faqi oo booqanaayey Goobta lagu diyaarinaayo Maraakiibta ayaa waxaa uu sheegay in ay guul taariikh ah u tahay Soomaaliya in loo sameeyo Maraakiib Ilaalisa Xeebaha Dalka kana ilaalisa wax walbo oo halis ku ah Soomaaliya ee ka yimaada dhanka badda. Danjire Cali Faqi ayaa waxaa sidookale uu sheegay in Heshiiska dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda (Atlantic marine offshore) ee fadhigeedu yahay wadanka Holland uu jiro in la tababaraayo ciidamadii marakiibta ku shaqeynlahaa oo tababarkoodana uu qaadan doono Muddo Ku siman 5 ilaa 7 sano kadibna ay la wareegayaan howlaha Maraakiibtaasi.

SONNA oo xafiis cusub ka furatay Baydhabo

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA aya xafiis ka furatay Baydhabo 15kii July 2016. Munaasabadda Furitaanka xafiiskaas waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Agaasimaha Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Madaxa Tababarrada Wasaaradda, Wasiirka Warfaafinta maamulka Koofur Galbeed iyo Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ. Agaasimaha SONNA C/raxamaan Yuusuf Al-Cadaala, Agaasimaha Tababarada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa tilmaamay muhiimada uu xafiiskan u leeyahay deegaanada Koofur Galbeed. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koofur-Galbeed Xasan Cabdi Maxmed ayaa Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ku amaaney sida ay u balaarinayaan Warbaahinta Dawlada Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

a1 a-1 a2 a3 a4 a5 a6 a7 a8 a9

 

——–DHAMAAD—–
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so
Tel. +252 61 2777736 Email: moabharr@gmail.com – Muqdisho –Somalia