DAAWO SAWIRADA:- Amisom oo gargaar ka qaybisay tuulada Goobweyn iyo shacab soo dhaweeyay

0

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ah hawl-galka midowga Afrika ee Amisom ayaa deeq raashin ah ka qaybiyay Tuulada Goobweyn oo ku dhowaad 30-KM u jirta magaalada Kismayo ee caasumadda gobolka Jubbada hoose.

Deeqdan oo isugu jirta Baasto, Saliid, Sokor, caleenta Shaaha, Oomo iyo cuntooyin diyaarsan, ayaa loogu tala galay dadka jilicsan Naafada iyo kuwa dan yarta ah ee ku dhaqan Goob-weyn.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta maamulka Jubbaland Shukri Wayrax Kaariye, ayaa kaga mahad celiyay hawl-galka Amisom kaalmada ay la garab taagan yihiin shacabka Jubbooyinka ee tabaalaysan.

Saraakiisha Itoobiya ee deeqda gaarsiiyay Goob-weyn ayaa ballanqadday dhankooga inay gacan ka geysan doonaan soo kabashada nolosha dadka ku nool degaannadii dhawaan ka baxay gacanta Al-shabaab.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

IT18-300x200 IT19-300x200 IT20-300x200 IT21-300x200 IT22-300x200 IT23-300x200 IT24-300x200 IT25-300x200 IT26-300x200 IT27-300x200 IT8-300x200 IT9-300x200 IT10-300x200 IT11-300x200 IT12-300x200 IT13-300x200 IT14-300x200 IT15-300x200 IT16-300x200 IT17-300x200