DAAWO SAWIRADA:- Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Ku xigeenkiisa oo la doortay

0

Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland, ayaa maanta doortay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo oo ay u tartamayeen Musharaxiin gaaraysa Afar Musharax.

Maxamuud Yaasiin Axmed, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo oo ku soo baxay Wareegii Saddexaad ee Doorashada, kadib markii uu ka adkaaday Musharaxiintii la baratameysa.

Sidoo kale Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa doortay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo oo loo doortay Farxaan Cabdi Gaafaa oo ka adkaaday Musharax kale oo la tartamaayay.

Goobta Doorashada ay ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, xubno ka mid ah Wasiirada Puntland.

Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo oo ka koobnaa 31 ruux ayaa maanta u codeeyay Guddoomiyaha iyo Ku xigeenkiisa.

Muddooyinkii Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kadib markii uu kala diray Maamulkii hore ee Degmada Gaalkacyo.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Gaalkacyo-1-1 Gaalkacyo-2 Gaalkacyo-3 Gaalkacyo-4 Gaalkacyo-5 Gaalkacyo-6 Gaalkacyo-7 Gaalkacyo-8 Gaalkacyo-9