Daawo Sawirada Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka daah furay Carwada bandhigga buugaagta iyo Madax sare oo ka qeyb gashay

0

Madaxweynaha maamulka  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  magaalada Garowe kaga qayb galay munaasabad Bandhigga Buugaagta oo markii labaad lagu qabanaayo magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli oo maanta si rasmi ah u furay carwada Bandhigga Buugaagta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado , hal abuurka iyo sidoo kale wax soo saarka bulshada kunool Puntland.

Munaasabada lagu furaayey Bandhigga  carwad Buugaagta ayaa waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Wasiiro, aqoonyahano, qoreyaal, sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafladda ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey hay’adda Cilmi baarista ee SIDRA iyo shirkadda Daabacaadda ee ScanSom.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay in ka badan 570 buug oo ay qoreen Qoreyaal Soomaali iyo Ajaanib.

Hoos ka Daawo  Sawirada:-

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 14 15