DAAWO SAWIRADA:- Maxkamad ku taala Gariiga oo xukuntay Saraakiishii Turkiga ee dalkooda ka carartay

0

Maxkamadda Magaalada Alexandroupolis, ayaa waxay xukuntay sideed Sarkaal oo u dhashay dalka Turkiga, ka dib markii Sabtidii ay iska dhiibeen Magaaladaasi, iyagoo ka soo baxsaday dalkooda.

Saraakiishaan oo ku lug laheyd afgambigii dhicisoobay ee 15-kii bishaan ka dhacay dalka Turkiga, ayaa iyagoo la baxsaday diyaarad helicopter ahayd iska dhiibay Magaalada xuduuda ku taala.

Xafiiska Xeer Ilaalinta, ayaa ku soo oogay askartaasi in si sharci darro ah ay ku soo galeen dalka, waxayna Maxkamaddu Khamiistii ku xukuntay min laba bilood oo xabsi ah.

Gariiga waxaa uu dib u eeggi doonnaa codsigooda, iyadoo inta aanay u bilaabana mudadaa la xukumay lagu sii hayn doono xabsi.

Dowladda Turkiga, ayaa waxay ugu yeertay Gariiga in Saraakiishaasi dib loogu soo celiyo Turkiga, si halkaasi loogu Maxkamadeeyo doorkoodii ku aadanaa afgambiga.

Saraakiishaan, ayaa waxay Maxkamadda ka hor sheegeen walaaca ay qabaan, ee ah in la dili doono, haddii ay Maxkamaddu go’aamiso in dib loogu celiyo dalkooda.

Vasiliki Ilia Marinaki oo ah qareenka afar ka mid ah Saraakiishaan, ayaa sheegtay in laba goorba ay noloshoodu waayi doonaan, haddii Saraakiisha lagu celiyo wadanka Turkiga.

Dowladda Gariiga, haddii ay ka cago jiiday dib u celinta Saraakiishaasi, waxay dhaawici doontaa xiriirka labada dal.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

13 2-2 3-1 4-1 6-1 7-1 9-1 10-1 12