DAAWO SAWIRADA:- Xuska 1 Luulyo oo loogu dabaal dagay degmooyinka gobolka Sh/Dhexe

0

Munaasabad lagu weynaynayay 56 guuradii ka soo wareegtay markii gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada Koonfur iyo Waqooyi oo ahayd 1-dii Luulyo sanadkii 1960-kii ayaa lagu qabtay magaalooyinka Jowhar,Mahaday iyo Cadale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Xafladan oo tii ugu weyneyd ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka heer degmo iyo heer gobol iyadoo xafladana lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Sh/dhexe ee magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa waxaa ka mid ahaa Kusimaha guddoomiyaha degmada Jowhar Mudane Abshir Maxamuud Hiraabe,duqa magaalada Jowhar Salax Mudey Cali,guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Jowhar Xasan Barrow Bocor,guddoomiye ku xigeenka  ururka haweenka gobolka Sh/dhexe Maryan Maxamed Kuulow,taliyaha qeybta booliska gobolka Sh/dhexe Cornel Khaliif Cabdulle Carfaye iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cismaan Sugaal.

Mas’uulyiintii ka qeygashay munaasabadan ayaa waxa ay ka hadleen qiimaha ay maalinta 1-da Luuliyo u leedahay ummada Soomaaliyeed taasoo ah maalintii ay gobolada Koofureed ka xoreebeen gumeysigii Talyaaniga iyo is raacii gobolada Waqoyi iyo gobolada Koofureed ee dalka.

Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa calanka la saaray saqdii dhexe iyadoo ay ciidamada xoogga dalka ay gaada ka ciyaar ku soo bandhigeen halka ay ka dhacaysay munaasabada.

Sidoo kale waxaa munaasabado iyo fantasiyo ay ka dhaceen degmooyinka Cadale iyo Mahaday ee gobolka Sh/dhexe halkaa oo calanka lagu saaray xilli saq dhexe ah.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa shacabka degmada Cadale kala qeybgalay munaasabada calan saarka isagoo halkaas ka jeediyay qudbad ka hadlaysay halgankii loo soo maray xornimada dalka.

Sidoo kale fagaare ku yaal degmada Mahaday ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal ruux oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoo halkaa lagu soo bandhigay suugaan ka hadlaysay qiimaha xoriyada.

Ku simaha guddoomiyaha degmada Mahaday ahna ku xigeenka arrimaha bulshada Xaaji Saalax fulaal Xaaji ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabada 1-da Luuliyo ee degmada Mahaday.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

sanad-guuro-1 sanad-guuro-2 sanad-guuro-3 sanad-guuro-4 sanad-guuro-5 sanad-guuro-6 sanad-guuro-7 sanad-guuro-8sanad-guuro-6