Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xulka Puntland guddoonsiiyay koobka horyaalka dowlad goboleedyada dalka.

0

Muqdisho, 26 July 2016 (Villa Somalia)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta si rasmi ah u soo gabagabeeyay tartankii cayaaraha dowlad goboleedyada ka dhisan dalka oo magaalada Muqdisho ka socday.

Waxaa uu Madaxweynaha koobkii horyaalnimada ee kubadda cagta ee tartankaasi uu guddoonsiiyey xulka dowlad goboleedka Puntland oo cayaartii kama dambeysta ahayd ee galabta ka dhacdey Garoonka Banaadir uga badisey xulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa markii uu abaalmarinada guddoonsiiyey cayaartoyda iyo qabanqaabiyeyaashii cayaarahan, waxaa uu sheegay in isboortiga uu ka mid yahay waxyaabaha fududeeya isdhexgalka bulshada, qeybna ka qaata nabadeynta iyo horumarka.

Daawashada cayaarta kama dambeysta ah ee tartanka dowlad goboleedyada waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole iyo qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada shisheeye iyo ururrada caalamiga ee Muqdisho ku sugan.

———————————–DHAMMAAD————————————–

X X1 X2 X3 X4 X5 X6 X7 X8 X9
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so