Daawo Sawirro Hordhac ah oo laga soo qaaday Suuqa uu ka dhacay Weerarka ee Jarmalka

0

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Munich ee Dalka Jarmalka ayaa sheegaya in qof hubeysan uu weerar ku qaaday Suuq ku yaalla magaalada Munich ee koofurta dalka Jarmalka.

Weerarka ayaa la sheegay in uu weli socdo isla markaana qofkii hubeysnaa uu weli wado rasaax xoogan oo uu ka dhex ridayo gudaha suuqa.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa shaaciyay in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen Weerarka hada socda, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka sii badan oo aan la shaacin tirada.

Booliska Dalka Jarmalka ayaa wada howlgalo ay ku soo afjarayaan weerarka hada socdo

Sidoo kale waxaa suuqa ay rasaasta ka dhaceysa gaaray ciidamo badan oo Boolis u badan.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

13814525_1079660562123176_1767398956_n 13814525_1079660562123176_1767398956_n-1 13817155_1079660452123187_1498865557_n 13820715_1079660515456514_592257641_n-1 13820715_1079660515456514_592257641_n-2