DAAWO WARBIXIN MURUGO AH:- Magaalada Marka Shacab kuma Noola Hadaba Yaa Ku Nool ?

0

Magaalada MARKA waa Xarunta waa Gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Koonfur 90-Km ka xigtaa magaalada Muqdisho, Magaalada ayaa waxay Dhibane u noqotay dagaalo Beeleed soo Noq-noqday iyo Isku dhiib dhiib dhinaca gacan ku haynta ah, Waxayna ka hadhay magaalooyinka Soomaaliya oo dhan.

Magaalada MARKA Goobihii ugu muhiimsanaa waxaa ka muuqda Bur-bur, waxaana adag inay ku dhex aragto magaalada dad shacab ah, Waxaana magaalada dhex Jooga Ciidamada AMISOM iyo Xoolaha Dameeraha oo aan Colaad iyo Nabad kala Saari Karin.

Magaaladu way kala xidhantahay Qaab ku salaysan Beel, waxaana Suuro-gal ahayn inay dadku la hadlaan Warbaahinta, Iyagoo si hoose kuugu sheegaya inayna wax Xog ah Saxaafada ayna siin karin, Sidoo kalana in Sawiro laga qaado Masiibo ayay u arkaan.

Waxaana Booqday magaalada Marka oo dhowaan Al-sabaab sheegatay inay qabsadeen Wariye Jacfar Kuu-kaay, Wuxuuna kasoo diyaariyey Warbixinta Murugada iyo Naxdinta badan.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=EXEBxhT4q7E