DAAWO:- Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo soo bandhigtay Sharciga Wadaaga Wax-qeybsiga

0

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa soo bandhigtay hab-raac loogu talogalay in dowladda federaalka Soomaaliya ay heshiisyada kula gasho shirkadaha caalamiga ah ee dananynaya in ay shidaal ka baaraan dalka Soomaaliya.

Habraaca, ayaa khubarro ka tirsan wasaaradda waxay ku tilmaameen in diyaarintiisa ay kala shaqeeyeen qareenno caalami ah oo Bankiga horumarinta Afrika uu ku soo xulay tartan.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim, ayaa tilmaamay sida tallaabadan ay muhiimka ugu tahay mustaqbalka heshiisyada Soomaaliya ay la gali doonto shirkadaha danaynaya in ay shidaal ka baaraan ama ka qodaan Soomaaliya.

“Waxaan dareensanahay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad, dalalka deriska waa laga wada helay shidaal, waxaa la wadaagnaa qaab dhismeedka dhulka iyo badda, fursad fiican u leeanahay in dalkeena shidaal ku jiro, si aan uga faa’ideysano tallaabooyinkaas waa inaan isla fahano siyaasad mideysan iyo ka faa’ideysiga kheyraadka aan yeelaneyno dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada, kheyraadkana dadka oo dhan ayaa leh”ayuu yiri Wasiirka Batroolka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in la dhameystirayo shuruucdii lagu hagi lahaa wax soo saarka kheyraadka dalka, isagoo tilmaamay in la soo gaba gabeeyay Document ka kooban 126 bog, kaasoo qeexaya qaabka loogu shaqeynayo.

“Mida labaad shuruucihii naga dhinaa ayaa rabnaa inaan dhameystirno, qarsoodi ma ahan, Soomaaliya colaad ayay soo martay, shuruuc ka dhinaa, hey’adihii fulin lahaa ka mid ah, in aas aas iyo gundhig u noqdaan ayaa rabnaa, marka aad wax nidaamsato baa horumar gaari karta, cidda maalgashaneysana ay kalsooni ku qabto, maanta waxaa ku faraxsanahay inaan idinla wadaagno heshiiska wax soo saarka wadaaga inuu diyaar yahay, Soomaali talada leedahay, Wasaaradda muddo ka shaqeyneysay, hal beeg caalami lagu sameeyay oo isku dheeli tiraya rabitaanka dadka soomaaliyeed iyo shirkadaha aan rabno inay maal gashdaan”ayuu mar kale yiri Wasiir Maxamed Mukhtaar.

Agaasimaha sahanka iyo soo saarista Shidaalka Soomaaliya ee Wasaarada Badroolka iyo Macdanta ee dowladda Soomaaliya Eng C/qaadir Abiikar Xuseen, ayaa sheegay in Soomaaliya qaadatay nidaam ka duwan kii dowladdii ka horeysay burburka oo ahaa (Concession), oo milkada ceelka laga helo shidaalka ay lahayd shirkadda, Balse kan cusub oo ah (Production Sharing Agreement) uu yahay mid dan u ah dalka oo la wadaagayo dakhliga ka soo xarooda ceelasha shidaalka laga helo ee shirkadaha kale maamulayaan.

C/llaahi Xeydar oo ka mid ahaa qubaradii sharaxday muhiimada sharciga uu u leeyahay Soomaaliya iyo faa’idooyinka ayuu tilmaamay in heshiiska wadaaga wax soo saarka uu faa’ido u leeyahay dadka Soomaaliyeed, sida in la siiyo shaqaalaha Tababaro iyo in Shirkadaha gaarka ah ay la howl galayaan shaqsiyaad Soomaali ah

Dadweynihii ka soo qeyb galay kulanka ayaa su’aalo kala duwan weydiiyay Wasiirka iyo Qubarada, iyadoo su’aalaha la weydiiyay ay ka mid aheyd in Hab-raaca uu noqdo mid diyaar ku ah bogga internet-ka ee wasaaradda, taasoo wasaaraddu ballanqaadday.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo macdanta Maxamed Mukhtaar, ayaa ku nuux nuuxsaday in aanu jirin heshiis Ilaa hadda cid lala galay, balse la diyaariyay nidaamkii shirkadaha heshiiska lagula gali lahaa.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

xuk2 xuk3 xuk4 xuk5 xuk7