Dab Khasaaro geystay oo ka kacay qeybo ka mid ah Degmada Jalalaqsi

0

Barqanimadii maanta ayaa dab Khasaaro hantiyaded geestay waxa uu ka kacay xaafad ka mid ah dagmada Jalalaqsi iyo Goobo Ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Dabkani oo bas beeliyay xafado dhowr ah iyo Goobo Ganacsi oo ku yaalla dagmadaasi ayaa sida la sheegay waxa uu ka kacay Dhimbilo dab ah oo ka shidnaa Xaafadahaasi kuwaas oo ay huriyeen dabeylo xoogan ee ka kacay halkaas.

Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in dabkaasi Damintiisa ay ka qeyb qaateen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ku sugan Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Inta badan goobaha aanu ka dhaween Dab Damiska ayaa waxaa si fudud ku baaha dabka siyaabaha kala duwan uga kaca iyadoona Khasaaro hantiyadeed iyo mida nafeed ay ka dhashaan dabkaasi.