Dagaal beeleed galabta ka dhacay gobolka Galgaduud

0

Wararka naga soo gaaraya  deegaanka Biyo Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa  sheegaya  in galabtay halkaas uu ka dhacay dagaal beeleed .

Deegaanka Biyo baxdo ayaa waxaa uu ka mid yahay deegaanada hoos yimaada degmada Ceel Buur ee gobalka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la sheegaya in uu u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed wada dega deegaanka Biyo baxdo.

Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku dhimatay 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dad goobjoogaal ah oo ku sugan gobolka Galgaduud.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya deegaanka Biyo-baxdo ayaa sheegaya in y suurta gal tahay in khasaaraha uu intaas kasii kordho.