Dawlada Ciraaq oo darbi amaanka lagu sugayo ku wareejinaysa magaalada Faluuja

0

Dawlada Ciraaq ayaa sheegtay inay magaalada Faluuja ay ku wareejinayso darbi weyn oo loogu talo galo in lagu sugo amaanka magaalada.

Taliye ku xigeenka ciidanka argagixiso la dirirtka dalka Ciraaq Jen C/wahaab Al-Sacdi ayaa sheegay in magaalada oo ay dhawaan ka qabsadeen kooxda isku magacawda khilaafadda Islaamka inay dajiyeen qorshe amaankeeda lagu sugayo.

Sargaalkaan waxaa uu sheegay in qorshaha ay dajiyeen uu yahay in magaalada lagu wareejinayo darbi weyn oo loogu talo galay in amaanka magaalada lagu sugo.

Darbigaan dhererkiisu waxaa uu noqon doonaa 11 km waxaana saraakiisha amaanku sheegeen inay aaminsan yihiin inuu wax weyn ka tari doono sugida amaanka magaalada Falluja ee dalka Ciraaq.