DEG DEG:- Ciidamada Itoobiya oo ka iskaga baxay Rab-dhuure iyo Al-shabaab oo qabsaday

0

Wararka ka imaanaya Degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ay halkaa iskaga baxeen.

Waxyar ka dib ka bixitaankooda Rabdhuure ayaa waxaa la wareegay Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab Degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool,kuwaas oo Fariisimo ka sameystay.

Ciidamada Itoobiya ayaa  u dhaqaaqay dhanka Degmada Xudur ee Xarun Goboleedka Gobolka Bakool,lamana oga Sababta ka dameysa ka bixitaanka Rabdhuure.

Sida la wada ogyahay Fariisimaha ay faarujiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa dib u qabsada Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Wixii soo kordha la soco…