DEG DEG:- Dad lagu dilay weerar ka dhacay Magaalada Mandheera iyo bas la Weeraray

0

Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaadey Labo Bas oo marayay deegaan ka tirsan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Warbaahinta dalka kenya ayaa waxa ay ku warameysaa in kooxo hubeysan ay Rasaas ku fureen Labo Bas oo halkaasi marayay.

Inta la xaqiijiyay 8 Ruux ayaa ku dhimatay halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 20 Qof.

Weerarka Maleeshiyaadka ay geysteen ayaa imaanaya maalin un kadib markii Mareykanka uu qeyb ka mid ah Kenya ka soo saaray digniin ka dhan ah socdaalkiisa.

Dowladda Kenya ayaa horey waxa ay kaga digtay suurtagalnimada weeraro kaga yimaada argagixisada oo ka dhaca dalkaasi xilli ay gaba gabo mareyso Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Guddiga amaanka ee magaalada Mandheera ayaa dadka aan Soomaalida aheyn uga digay in todobaadkan ay dhulka ku safraan, iyadoo laga cabsi qabo weeraro argagixiso oo laga cabsi qabo in ay geystaan ururka Al-shabaab.