DEG DEG:- Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo Muqdisho lagu qabtay

0

Ciidanka Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa, kaas oo la dhigay meel wadada Dhinaceeda.

Sarkaal katirsan Hay’adda NISA ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gaariga la dhigay goob ay bulshada ku badantahay oo ka tirsan degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in qabashada gaariga qaraxyada ay ka buuxaan Ciidanada gacan ay ku siiyeen Bulshada deegaanka oo kusoo war-galiyay in ay ka shakiyeen gaari wadada lasoo dhigay, kadibna markii la baaray laga helay Qaraxyo.