DEG DEG:- Kooxda Jubbaland oo usoo baxday Final-ka Tartanka Maamul goboleedyada Dalka

0

Kooxaha Banaadir iyo Jubbaland oo galabta Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium kuwada ciyaaray ayaa waxaa dhexmartay kulan xiiso badan.

Kulanka galabta udhaxeeyay labadan koox ayaa waxa ay koox walba dooneysay in ay guul gaarto dhankeeda.

Ciyaarta oo aheyd mid la isku daalay ayaa gaba gabadii waxa ay ku soo idlaatay Rigoorayaal 7 iyo 8 Rigoorayaal oo ay ku soo gudubtay kooxda Jubbaland.

Goolhayaha Kooxda Banaadir ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee laga qabtay Rigoorooyinkii ay tuurteen kooxda Banaadir.

Kooxda Jubbaland iyoo Taageerayaasheeda ayaa galabta waxa ay ku dabaal degeen Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium, iyadoo ugudubtay kama dambeysta tartankan.

Maalinta beri ah ayaa waxaa wada ciyaari doona kulan ka tirsan Tartanka maamul goboleedyada dalka wareegiisa Afar dhamaadka kooxaha Puntland iyo Hiiraan Shabeelaha Dhexe.

22222

1111