DEG DEG:- Mareynkanka oo Digniin ka soo saaray Al-Shabaab

0

Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniintiisa u safarka Magaalada Nairobi, Lamu, Islii iyo Degaano kale oo hoostaga Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya maadaama halkaasi ay weeraro u joogteeyeen Xarakada Al Shabaab.

Digniintan ka soo baxay Waaxda Arimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa lagu muujiyay in xaalad amaan ay ka jirto qeybo ka mid ah Dalka Kenya waxaan Muwaadiniintaasi lagu wargeliyay in ay booqan karaan Magaalada Mombasa maalintii oo kaliya.

Dowladda Kenya ayaa lagu wargeliyay ka feejignaanta Weeraro xoogan dhiig ku daata islamarkaana looga soo horjeeda danaha Reer Galbeedka in uu ka dhaco Dalkaasi.

Digniinta Mareykanka ayaa waxey imaaneysaa xili Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo kuwa Sirdoonka ay ka digeen Weeraro xoogan oo ka dhaca Dalka Kenya inta lagu  guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.