Deg Deg :Sarkaal ka tirsan Booliska oo Muqdisho lagu dilay

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhow kooxo hubeysan ay degmada Karaan ku dileen Cali Cadoow Maxamuud oo ka tirsanaa Saraakiisha Hogaanka Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed.

Dad goobjoogayaal ah ayaa idaacadda Risaala u sheegay in kooxihii dilka geystay ay goobta iska baxsadeen, ka dibna halkaas ay soo gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xiliga  uu  dilku dhacaayay ayaa la sheegay in uu kusii jeeday gurigiisa oo ku yaala degmada Kaaraan.