DEG DEG:- Shaqaale ka tirsan Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo goor dhaw la dilay

0

Wararka inaga soo gaaraya degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow Masjid ku yaala degmadaasi lagu dilay Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Ceeydiid Duceysane) oo ka tirsanaa shaqaalaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in Sheekh Caamir isagoo ka soo baxay Masjidka in ay Rasaas ku fureen.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay iyagoo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Magaalada Muqdisho Bishan Ramadaan gudaheeda waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.