DEG DEG:- Sheekh Caan ah oo goor dhaw ka badbaaday iskuday dil

0

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa ka badbaaday Qarax loogu Xiray Gaarigiisa oo yaallay wadada Maka Almukarama.

Qaraxa ayaa dhacay xilli gaariga uusan saarneyn Shekha, balse u jeedku uu ahaa in lagu khaarajiyo sida masuuliyiin ka tirsan Dowlada ay warbaahinta u sheegeen.

Saraakiisha Booliiska gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi uusan ka dhalan wax khasaaro ah isla markaana uu ka badbaaday Sheekh Yuusuf Cali Ceynte.

Goobta uu gaariga ku qarxay ayaa ahayd qeyb ka mid ah Wadada Maka Al Mukarama waxaana goobta uu gaariga ku qarxay ahay goob aad u mashquulbadan.

Ciidamo ka tirsan booliiska iyo nabad sugida Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu gaariga ku qarxay waxaana la sheegay iney wadaan howlgalo ay ku doonayaan iney ku soo qabtaan Kooxihii ka dambeeyay qaraxa gaariga loogu xeray Sheekh Yuusuf Cali Ceynte.