DEG DEG: Xukuumadda oo amartay in la xiro 40 Wariye

0

Warbaahinta dalka ayaa waxay sheegayaan in xukuumaddu ay jartay warqaddii lagu soo xiri lahaa in kabadan afartan weriye.

Wararka qaar waxay sheegayaan in uu ka mid yahay Nazli Ilicak oo ah nin caan ah oo wax ka faalooda horayna uga soo mid noqday xubnha baarlamaanka ee dalka Turkiga.

Kumanaan ruux ayaa la xiray tan iyo markii uu dhicisoobay afgambigii millatari ee dalkaasi ka dhacay bishan horaanteedii.

Axaddii tobanaan kun oo ruux ayaa ka qayb qaatay xaflad isu soo bax ah oo ka dhacday fagaaraha Taksim square ee magaalada Istambul iyaga oo ka soo horjeeda afgambigii dhiicisoobay.

Afgambigaasi wuxuu galaabtay dad badan oo shacab ah iyo in kabadan boqol ka mid ah millatarigii isku dayga sameeyay.

Jean-Claude Juncker oo ah masuul sare oo ka tirsan Midawga Yurub ayaa sheegay in la laali doono wadahadaladii Turkigu uu kagaga mid noqonayay Midawga Yurub haddii Turkigu uu soo celiyo xukunka dilka ah.