DEG DEG+TOOS ULA SOCO:- Weerar hada ka socdo Suuq ku yaalla Dalka Jarmalka iyo Rasaas Xoogan oo laga maqlayo

0

Weerar hubeysan oo  uu qaaday qof Hubeysan ayaa hada ka socdo  suuq ku yaalla Magaaladda Munich ee koonfurta  dalka jarmalka ,booliska dalka jarmalka ayaa sheegay in ay jiraan qasaaro ka dhashay weerarkaas

Wargees ka soobaxa magaalada munich ee dalka jarmalka ayaa shaaciyay dhimashada 15 Ruux, lama oga Tirada ku dhaawacantay weerarka ka dhacay halkaasi ,walin waxaa socdo howlgal oo ay goobtu kawadaan booliska Dalkaasi

Wariyaha halkaas uga soo warama Talafishinka caalamiga ah ee Aljaziira ayaa ku soo maramaya in qof hubeysan uu gudaha suuqaas uu ku jiro walina Rasaas ay ka dhaceysa halkaas ,ciidama farabadana halkaasi ay soo buux-dhaafiyeen.

Xigasho Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA