DHAGEYSO: Ahlusuna oo digniin u dirtay dadka wararka been abuurka ah ka faafiya

0

C/llaahi Cabdi Raage oo ka mid ah Saraakiisha Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in warar aan jirin laga baahiyo Maamulka Ahlu Sunna.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay gacanta ku hayaan dad warar been abuur ah ka faafin jiray Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe.

Waxa uu tilmaamay in ay ku daba jiraan dad kale oo la sheegay in ay la mid yihiin dadka ay soo qabteen, waxa uuna tilmaamay in aysan ogolaan doonin in la dacayadeeyo Masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna.

C/llaahi Cabdi Raage ayaa shacabka gobolada dhexe ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka isla markaana ay ku dadaalaan sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen hormarka.