DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo la Sheegay iney Carabka ka jareen Gabar yar

0

Maamulka Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay dhibaatooyin ka wadaan Gobolka gaar ahaan Tuulooyinka hoos yimaada Cadale.

Ku simaha Guddoomiyaha Degmada Cadale Cali Cabdulle ayaa sheegay in Al-shabaab ay Gabar ka jareen Carrabka,sidoo kalena dab qabadsiiyeen tuulooyin badab oo ka tirsan Degmadaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa Khamiistii isaga baxay degaanka Masaajid Cali Guduud,waxaana la wareegay Al-shabaab,waxaana kadib ay billaabeen sida uu sheegay in ay Tuulooyinka dab qabadsiiyaan.

Xarakada Al-shabaab ayuu ku eedeeyay in ay dadka ula dhaqmayaan sida in aysan degaanka wax ku lahayn oo kale oo ay dab qabadsiinayaan guryaha degaannadaasi.

Ciidamada Dowladda ayuu sheegay in aysan ka fogeyn cadale laakiin ay adag tahay in ay ka hortagaan Ciidamada Al-shaab ee dhaq dhaqaaqa xooggan ka wada Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dolwadda Federaalka ayuu ka dalbaday in ay Ciidamo dheeraad ah u dirto Gobolka si ay wax uga qabtaan Al-shabaab oo uu sheegay in ay ku sii xoogeysanayaan degaannadaasi tuulooyinna gubayaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-