DHAGEYSO:- Ammaanka Magaalada Mombasa oo la adkeeyay ka dib dilal ka dhacay magaaladaasi

0

Ciidanka Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay adkeeyeen ammaanka guud ee magaalada Mombaza  ee dalka Kenya ka dib markii ay soo baxday cabsi xoogan oo ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay sugan yihiin gudaha magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Taliye ku xigeenka  ciidanka Booliiska magaalada Mombaza ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay bilaabeen howlgal cusub oo lagu adkeynaayo amniga magaalada Mombaza.

Ciidamo dheeraad ayaa lagu daad gureeyay xaafado badan oo ka mid ah magaalada Mombaza sida xaafad lagu magacaabo Mishomoroni oo dhawaan lagu dilay dagaalyahano looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Dhawaan Booliiska magaalada Mombaza ee dalka Kenya ayaa toogtay 2 nin oo looga shakiyay in ay xariir la leeyihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Muddo ay dheer oo ay baadi goobaayeen ciidanka Boliiska ee dalka Kenya ayaa ugu dambeyntii waxa ay weerar ku qaaday guri ku yaala xaafada Mishomoroni ee magaalada Mombaza halkaas oo lagu tuhmaayay in ay sugan yihin .

2-da dagaalyahan ee looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Shabaab ayaa la sheegay in ciidanka ammaanka dalka ay toogtay ka dib markii ay isku dayeen in ay ka baxsadaan ciidanka ammaanka dalka Kenya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-