DHAGEYSO:- Booliska Somaliland oo Ka hadlay xariga Suldaan Cali Saleebaan Maxamed

0

Ciidamada Amniga Somaliland, ayaa xabsiga magaaladda Hargeysa u taxaabay Suldaan Cali Saleeban Maxamed (Cali Qanjo) oo ka mid ah Madax-dhameedka Somaliland, gaar ahaan gobolka Saaxil.

Ciidanka amniga Somaliland ayaa sheegay in suldaanku dambi uu faraha kula jiray, isla markaana uu wadday kicin dadweyne, waxaanay sheegeen in baadhitaan lagu hayo eedahaasi lagu soo oogay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xariga Suldaankaasi, waxaanu sheegay in lagu soo eedeeyey falal amniga khatar ku ah iyo kicin dadweyne.

Si kastaba ha ahaatee, Suldaanka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa madax dhaqameed iyo waxgarad dhowaan shaaciyey shir beeleed ka dhacayey gobolka Saaxil oo beelaha dega ka arrinsanayeen arrimo iyaga khuseeyo.

Waxaanu wararku intaas ku darayeen in gaadiid ay ku dhajisnaayeen waraaqo lagu soo bandhigayey qabsoomidda shirkaasi ka dhacayey gobolka Saaxil lagu xidh xidhay magaaladda Berbera.

Odayaasha gobolka Saaxil dega ayaa sheegay in shirkaasi beeshoodu yahay mid lagu xoojinayo nabadgalyadda, isla markaana lagaga arrinsanayo arrimo beeshoodda khuseeya, haseyeeshee xukuumadda ayaan ogolayn shirkaasi oo u arka in laga soo saari karo arrimo liddi ku ah maalgalinta dekadda Berbera, taas oo ay xoog iyo xeeladba iskugu gaysay in aanu shirkaaasi qabsoomin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-