DHAGEYSO:- Ciidamo lagu Tababarayay Magaalada Kismaayo oo la Afduubtay

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo Tababar uga socday Warshadii hore ee Hilibka Magaalada Kismaayo oo gaarayay Ilaa 200 oo Askari la Afduubtay.

C/rashiid Macalin Gaas oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in Ciidamada la wadat uu Tababar uga socday Xeradii hore ee Warshadda Hilibka Kismaayo islamarkaana ay ka xaysteen Ciidamo Afafku u duuban yahay oo loo maleynayo in ay yihiin Mareykan.

Weli wax war ah kama soo bixin Saraakiisha Ciidamada Jubbaland oo ku aadan Arrintaasi.

Sidoo kale Ciidanka halkaa Tababarku uga socday ayaan ilaa hadda la ogeyn waxa ay ahaayeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-