DHAGEYSO:- Cuduro ka dilaacay degmada Bardaale iyo dad u dhintay

0

Cuduro kala duwan ayaa ka dilaacay degmada Bardaale ee gobolka Bay, kuwasoo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada kunool degmada Bardaale oo ka mid ah degmooyinka Hoos yimaada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Degmada Bardaale ayaa la sheegaya in uu ka dilaacay cudur loo yaqaano Bogfuula oo ku dhaca dadka da’dooda ay ka weyn tahay 55 sano.

Gudoomiye degmada Bardaale Weedow Cali  Xasan ayaa sheegay in dadka kunool degmada Bardaale ay kunool yihiin xaalad aad u adag, waxaana uu xaqiijiyay in cuduro kala  duwan ay ka dilaaceen degmada Bardaale.

Weedow Cali Xasan ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay soo gar gaaraan dadka ku dhibaateysan degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-