DHAGEYSO: Dabageed oo si yaab leh ugu jawaabay Odoyaasha Hiiraan

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa si kulul uga hadlay war ay faafiyeen odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan qaarkood oo sheegay inay maamul gaar u dhisayaan Gobolkaasi, wuxuuna caddeeyay inaysan jirin cid maamul ka dhisi karta Gobolka Hiiraan.

“Nin Wadaada oo koofi gashan oo dhahaaya maamul ayaa dhisaneynaa dowladda ka madax bannaan, waxaasi waxa u dambeynaaya waa ogtihiin, danna kuma jirto, wadaadkaas waan aqaanaa degaankiisa, dalkaan maamul dowladda ka madax bannaan waxaan Shabaab ahayn oo ka dhisi kara ma jiraan…” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo si kaftan leh u weeraray Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec.

HALKAAN KA DHAGEYSO