DHAGEYSO: Dowladda oo la wareegtay deegaanka Beer-Xaano iyo Al-Shabaab oo aan weli ka hadlin

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Beer-Xaano oo ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Kuwa AMISOM ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Beer- Xaano.

Saraakiil Ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu bilowday howlgalka Al-Shabaab looga saaraayo deegaanada ay ka joogaan gobolka jubbada Hoose.

Qabashada deegaanka ka dib, saraakiisha hogaaminaysay hawl-galka, waxaa ay kullan la qaataan odayaasha dhaqanka iyo bulshada ku nool halkaasi.

Dhawaan madaxweynaha maamulka Jubbland ayaa sheegay in uu bilowday howlgalka Shabaab looga saaraayo gobolka Jubbada Hoose.

Hoos ka Dhageyso Codka:-