DHAGEYSO: Faahfaahin Shil gaari oo ka dhacay degmada Deyniile

0

Gudoomiyaha degmada Deyniile Axmed Nuur Siyaad ayaa galabta gaari uu watay waxa uu kula rogmaday xaafada Bangala ee degmada Deyniile gobolka Banaadir.

Shilka ka dhacay degmada Deyniile ,waxa ay maamulka degmada Deyniile xaqiijiyeen geerida labo askari oo gaariga la saarneyd gudoomiyaha Deyniile iyo sidoo kale  dhaawaca ku dhawaad 5 qof.

Shilka ka dhacay degmada Deyniile , waxaa dhaawac fudud uu kasoo gaaray gudoomiyaha degmada Deyniile Axmed Nuur Siyaad.

Xoghayaha degmada Deyniile Mahad Maxamed Shiraawe oo la hadlay All Galgaduud ayaa sheegay in gudoomiyaha aysan soo  gaarin dhaawac weyn laakiin ay jiraan garaafooyin yar yar oo  gaaray gudoomiyaha .

Xoghayaha  ayaa sheegay in gaarigii gudoomiyaha uu burburay guud ahaanba, waxaana uu sheegay in gaariga oo xowli ku socday ay lug u baxday sidaasna uu gaariga ku rogmaday.