DHAGEYSO:- Faarax Sheekh C/qaadir oo ka hadlay bixitaanka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya iyo Arrimo kale oo Xasaasi ah

0

Xildhibaan Faarax Sheekh C/Qaadir oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku howllan tahay sidii ay u dhisi lahayd ciidanka Soomaaliyeed loogana maarmi lahaa AMISOM.

Xildhibaanka oo ku sugan Dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in Dhallinyarada,Haweenka,Ragga iyo guud ahaan Dadka Soomaaliyeed ay Dowladda u diyaarineyso mashaariic ay kaga mid noqonayaan Ciidanka Qarabka,taas oo sahleysa in laga maarmo baahida ay Dowladda Soomaaliya u qabto Ciidanka ka socda Midowga Afrka ee AMISOM.

Xildhibaanku waxaa uu rajo ka muujiyay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegi karaan Amaanka dalka mark ay baxaan Ciidanka AMISOM inta u dhaxeysa 2018-2020ka,xilligaas oo Midowga Afrika uu shaaciyay in Ciidanka AMISOM laga saarayo Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ayaa howlgalkooda Soomaaliya uu billowday Sanadkii 2007gii,markaas oo Dalka Itoobiya faragelin milatari oo uu ku sameeyay Soomaaliya ay meesha ka saartay Maxkamadihii Islaamiga oo inta badan bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya maamulayay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-