DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo arimo Muhiima ka hadlay

0

Maxaned Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Midowga dalka 2012-kii meeshii uu joogay uu maanta ka wanaagsan yahay.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan kala maarmin loona baahan in yahay in Qofkasta uu u istaago sidii loo adkeyn lahaa Midowga umadda Soomaaliyeed.

Gudoomiye Jawaari ayaa dhinaca kale sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabkaba looga baahan yahay in ay ka wada shaqeeyaan Midnimada umadda Soomaaliyeed.

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya  Maxaned Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku soo aadaya xilli xalay magalada muqdisho looga dabaal degay Sanadguurada 56-aad ee ka soo wareegatay markii gobolada Koofur 01 July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan Israacii Labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur.

HALKAAN KA DHAGEYSO