DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ” Galabta Waxaan taageeraya Kooxda Puntland, Waa la yaabi doonaa sida aan sacabka u tumo”..

0

Galabta Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis Stadium waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Ciyaarta loogu soo gudbayo Finalka Ciyaaraha Mamaul Goboleedyada Dalka,waxaana ku balansan Kooxda Puntland iyo Kooxda isku darka ah ee Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen  Jimcaale ayaa sheegay inuu Taageerayo Puntland galabta Ciyaarta dhexmareysa Kooxaha Puntland iyo Isku darka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan Kooxda.

Shalay ayaa Marti galiyaasha Ciyaaraha Maamul Goboleedyada ee Gobolka Banaadir waxaa reebay Kooxda Jubbaland oo hadda taagan Finalka Koobkaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-